Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Guddoomiyey Shirka Amniga Maamulkaasi

Baydhabo,(Wargeyska Dalka):-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa guddoomiyey Shirka Amniga Dowladda Koonfur Galbeed, kaas oo diiradda lagu saaray adkaynta Amniga Guud, dardargelinta wada-shaqeynta Hay’adaha Amniga iyo sare u qaadidda xasilloonida Deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed.

 

Shirka waxaa ka qeyb galay Wasiirka Amniga, Guddoomiyaha Gobolka Baay, Guddoomiyaha Degmada Baydhabo iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada kala duwan. Intii uu socday Shirka, waxaa si qoto dheer looga hadlay xaaladda Amni ee Deegaannada Koonfur Galbeed, Guulaha laga gaaray sugidda Amniga iyo qorshayaasha lagu sii xoojinayo Nabadda iyo kala dambeynta.

 

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed ayaa bogaadiyey dadaallada joogtada ah ee Ciidamada Amniga iyo Shacabka la shaqeeya, isagoo carrabka ku adkeeyey in Amnigu yahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu gaari karo horumar, Adeegyo Dowladeed oo tayo leh iyo koboc Dhaqaale.

 

Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa faray Hay’adaha Amniga inay sii laba jibbaaraan dadaallada lagu xaqiijinayo Amniga, isla markaana la xoojiyo wada-shaqeynta u dhexeysa Ciidamada kala duwan, Maamulka iyo Bulshada si looga hortago wax kasta oo khalkhal gelin kara Amniga.

 

Shirka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyey qorshayaal lagu xoojinayo la socodka xaaladaha Amniga, dardargelinta isdhaafsiga Xogaha muhiimka ah iyo kordhinta howlgalada lagu sugayo Nabadda Deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed, gaar ahaan Magaalada Baydhabo oo ah Xarunta ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed.

 

FB_IMG_1785582974936.jpgFB_IMG_1785582977330.jpgFB_IMG_1785582993685.jpg