Baydhabo(Wargeyska Dalka):-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Maanta Magaalada Baydhabo si rasmi ah ugu soo xiray Shirka banbaxa Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed, kaas oo socday muddo Saddex Maalmood ah.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta Dowladnimada, hoggaaminta hufan iyo tayeynta Adeegyada ay Dowladdu u hayso Bulshada. Waxaa ka qeyb galay Xubnaha Golaha Wasiirrada iyo khubaro ka socotay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.Intii uu socday Shirka, waxaa lagu falanqeeyay mideynta qorshayaasha shaqo ee Dowladda, dardargelinta hirgelinta Barnaamijyada mudnaanta leh, kor u qaadidda isla xisaabtanka, hufnaanta Maamulka iyo xoojinta wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda Koonfur Galbeed.
khudbaddii xiritaanka, Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa ku bogaadiyey Golaha Wasiirrada sida firfircoon ee ay uga qeyb qaateen doodaha iyo qorsheynta. Waxa uu carrabka ku adkeeyey in natiijooyinka ka soo baxay Shirka ay saldhig u yihiin dardargelinta waxqabadka Dowladda iyo gaarsiinta adeegyo tayo leh Shacabka Koonfur Galbeed.
Sidoo kale, Hoggaamiyuhu wuxuu faray dhammaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Koonfur Galbeed inay si mideysan u hirgeliyaan qorshayaashii lagu heshiiyey, iyagoo mudnaan gaar ah siinaya Adeegyada Bulshada, horumarinta Maamulka, sugidda Amniga, kobcinta Dhaqaalaha iyo xoojinta isla xisaabtanka.




