Hogaamiyaha Khaatumo oo Laascaanood ku soo dhaweeyey Ergo ka socota Sanaag

Laascaanood: Hoggaamiyaha Dawlad goboleedka SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa magaalada Laascaanood ku soo dhoweeyey wafdi heer sare ah iyo ergooyin ka socday gobolka Sanaag, kuwaas oo uu hoggaaminayay Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Wafdiga ayaa u yimid Laascaanood si ay uga qaybgalaan kulammo tashi ah iyo wada-xaajood ku saabsan maamul u samaynta gobollada Sanaag iyo Sool, dadaalladaas oo lagu doonayo in lagu dhiso hannaan maamul daadejin ah oo lagu mideeyo bulshada deegaanka.

Soo dhoweynta wafdiga ayaa ka dhacday Madaxtooyada Khaatumo waxaana goobjoog ahaa Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha XFS Xil. Maxamuud aadan Geesood Senator Saynab ismaaciil Tiimbiye oo lagasoo doorto gobolka Sanaag, kuwaas oo qayb ka qaadanaya dadaalada lagu midaynayo gobolada Sool iyo Sanaag.