Hogaamiyaasha Zambia iyo Malawi ayaa ku dhawaaqay inay dhisi doonaan xiriir ganacsi iyo mid maalgashi oo xooggan

Madaxweynaha Zambia Hakainde Hichilema iyo madaxweynaha Malawi Lazarous Chakwera ayaa ku heshiiyey in la dardargeliyo ka shaqaynta isku xidhka xadka u dhexeeya labada dal si ay u noqdo marin ganacsi.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo ay si wadajir ah ugu qabteen Aqalka Madaxtooyada ee caasimadda Malawi ee Lilongwe oo ay ku soo idlaatay booqasho shaqo oo hal maalin qaadatay, ayaa Hichilema waxa uu ku baaqay xiriir saaxiibtinimo iyo is-ixtiraam dhexmara shucuubta labada dal.

Madaxweyne Chakwera, ayaa sidoo kale ah guddoomiyaha Ururka Horumarinta Koonfurta Afrika (SADC), ayaa uga mahadceliyey Hichilema booqashada iyo ballanqaadkiisa dhinacyada ganacsiga iyo fursadaha maalgashi ee labada waddan.