Hirshabeelle oo qaybaha Bulshada ugu baaqday hawlgal ka dhan ah Argagixisadda Al-shabaab

Dowladda goboleedka Hirshabeelle ayaa bogaadisay guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray howlgalada baahsan ee ka socda deegaanada Hirshabeelle kuwaas oo lagu ciribtirayo kooxda argagixisada arxanka daran ee Al-shabaab.

Qeybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa suuragaliyay in ay xoreeyaan deegaanno dhowr ah oo argagixisada Al-shabaab hore u maamulayeen.

Kooxaha Argagixisadda ayaa jab xoogan lagu gaarsiiyay dagaaladii lagula galay deegaanada, Yasooman, Nuur fanax, Buuraha qayaayaale, Garasyaani, Aboorey, Tardo, Sagal geed, Geedsamo, Inameey iyo Booco oo maanta laga saaray cadowga.

Dhinaca kale Dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa ugu baaqday qeybaha kala duwan ee bulshada in ay u istaagaan ka qeybgalka howlagalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab oo ku caan baxday daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed iyo dhaca hantida umadda.

dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa si dhow ula socoda xaaladaha nololeed ee ka jira deegaanada laga saaray cadowga waxa ayna ku dadaalaysaa sidii dadkaas loo gaarsiin lahaa gurmad deg deg ah.