Hirgelinta Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee Socdaalka Gudaha Dalka

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Duhulow ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay hirgelinta Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee Socdaalka Gudaha Dalka, kaas oo lagu xoojinayo nidaamka maamulka iyo habsami-u-socodka howlaha socdaalka gudaha dalka.

Agaasimaha Guud ayaa booqday terminaalka laga dhoofo ee duulimaadyada gudaha, halkaas oo uu warbixin faahfaahsan kaga dhageystay madaxda Waaxda Xuduudaha, taas oo la xiriirtay habraaca cusub, heerka diyaargarowga farsamo iyo sida adeegga loogu fududeynayo muwaadiniinta ku safraya gudaha dalka.

Saaka waxaa si rasmi ah loogu adeegey dadkii ugu horreeyay ee ku safrayay gudaha dalka, kuwaas oo loogu adeegay Kaarka Aqoonsiga Qaranka, iyada oo nidaamkaan loo maray hannaan waafaqsan tilmaamaha socdaalka sharciga ah.

Agaasimaha Guud ayaa tilmaamay in hirgelintan ay door muhiim ah ka qaadanayso horumarinta nidaamka socdaalka gudaha, xoojinta amniga xuduudaha iyo la socodka dhaqdhaqaaqa dadka si waafaqsan sharciga. Sidoo kale, waxa uu faray saraakiisha iyo shaqaalaha inay muujiyaan dulqaad iyo tixgelin gaar ah inta ay muwaadiniintu la qabsanayaan nidaamka cusub, si adeeggu u noqdo mid hufan oo waxtar leh