Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ayaa Caawa Muqdisho soo gaarsiisay markale Qaar kamid ah dadkii dhawacyada culus ka soo gareen dagaalka lixdii maalmood ee la soo dhaafay ka socda Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.
Agaasimaha Waaxda Caafimaadka ee Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Cabdullaahi Muuse Axmed ayaa sheegay in dhaawacyada ay gaarayaan ilaa 11 ruux.
Dhaawacyada maanta la keenay magaalada Muqdisho ayaa waxaa kamid ah kuwa qaba dhaawacyo culus, waxaana loo gudbiyay xarruumaha caafimaad ee ku yaalla magaalada si loogu baxnaaniyo xaaladooda.