HESHIISKA BULSHADA(العقد الإجتماعي) “UMMADYAHAY HADDAAD EHEL TIHIIN UURKA KA HESHIIYA” —MAXAMED GACAL XAAYOW

Heshiis bulsho, waa in dadku ku heshiiyaan waxa dan u ah oo ay degsadaan xeerar ka la hago, si ay u gaaraan nabad iyo xasilooni, ka na heshiiyaan wax walbo oo ay is-ku maan-dhaafsan yihiin. Sida ka muuqato tixda Abwaan Maxamed G. Xaayow, waxaa heshiis bulsho lagu gaari karaa in dadku uurka ka heshiiyaan, taas oo ka dhigan in ay is-cafiyaan, isu-tanaasulaan oo ay u diyaar garoobaan in ay nidaam heshiis lagu yahay dhistaan si calool-fayoobi ku jirto. Dhanka kale, waxa aan dhihi karnaa heshiis bulsho waxaa tiir u ah laab-xaarnaan ka timaado dadka is-la ogol in ay dhistaan nidaam ay ku hoos noolaadaan, oo dhammaan si siman ugu xaq-soora. Waxa aan qoraalkaan kaga hadli doonaa aragtida saddex Faylasuuf oo kacdoonka heshiiska bulshada saameyn xooggan ku leh, oo ay aragtiyaha qaar ay dhaliyeen kacdoomo.

Thomas Hobbes, John Locke iyo Jean-Jacques Rousseau, oo noolaa qarnigi 17aad iyo 18aad, ayaa waxa ay qabaan in siyaasad bulsho(Dowlad) ay ku dhismi karto heshiis bulsho oo loo dhan yahay. Saddexda faylasuuf ee aan xusnay, manhajkooda waa hab falsafadeed oo caqli gal ah, waxaana ay ku saleeyeen oo ay sal ugu dhigeen labo humaag/ mala’awaal oo maan-gal ah, waxa ay na ka la yihiin;

(1) Xaaladda Dabiicadeed(State of Nature): Ujeedka, waa in dadku ay ku noolaayeen xaalad dabiici ah oo aan aqoon; awood, bulsho, iyo siyaasad ka hor dhisidda bulshada (Dowladda).

(2) Heshiis Bulsho: Ujeedka, waa in ay bulshadu ka soo guureen xaalad dabiici ah u na guureen xaalad bulsho, ayada oo loo maraayo heshiis la is la ogol yahay oo ay wada gaareen bulshada wax is ku darsanayso. Waxa ay saddexdu Faulasuuf ka siman yihiin mala’awaalka ay sameeyeen oo ka duulaayo labadaas qodob(Xaaladda dabiixadda iyo Heshiis Bulsho), balse waxa ay ku ka la duwan yihiin micnaha ay nuxur ahaan xanbaarsan yihiin mala’awaalka. Haddaba, si aan saddexdoodu aragtida ay xanbaarsan yihiin u fahanno ayaan hoos ku xusi doonnaa, mid walbo–inta aan karno.

Thomas Hobbes(1588—679), oo u dhashay Ingiriiska, waxa uu ku soo dhex kacaamay bulsho ay ka jirto loolan diineed(Kaniisadda), iyo mid siyaasadeed, hadane ayada oo taasi jirto aragtidiisa waxa ay xanbaarsaneed, in la helo; nabad iyo ammaan, bulshada ka dhex dhasho. Thomas, waxa uu mala’awaalay ee uu buugiisa ‘Leviathan’ ku faalaynayaa in dadku ay ku jiraan xaalad dabiicadeed oo ah dowlad la’aan. Sidaas darteed, waxa uu ku soo qaaday in ayagu dugaag isu cadaw ah, cid ba cidda kale ay gabbaad ugu jirto, xisilooni iyo nabad aysan jirin, oo ay ku sugan yihiin xaalad hubanti la’aan nololeed oo aysan dowlad jirin.

Xaaladda dabiicadeed ee uu u bixiyay ‘State of Nature’ si looga baxo oo loo gaaro dowlad waxa uu qabaa in la helo heshiis bulsho. Si lagu suurto galiyo heshiiska bulsheed waa in qof walbo uu ka soo tanaasulo xuquuqdiisa gaarka ah, waxaana loo tanaasulayaa hal qof(Boqor/hoggaan). Waxaana qof ka loo tanaasulay laga doonayaa in uu awood u yeesho in dadku uu gaarsiiyo amni iyo xasilooni nolaleed, waana halka bar bilow ga u ah dowladnimada uu Thomas Hobbes rejaynaayay. Marka ay dadku ka tanaasulaan awooddoodii, waxaa awooddaas maamuleed adeegsanaayo hogaanka, asiga ayaana gaarsiinaayo ammaan iyo nabad.

John Locke(1637–1704), oo u u dhashay Ingiriiska, waxa uu lid ku yahay Thomas Hobbes waxa uu suureysanayaa in dadku xor yihiin, sinnaan ay jirto, ku na tamashleynayaan xuquuq dabiici ah taas oo ka dhalatay bani-aadamnimada, waxa uu na leeyahay, waxa xuquuq ahaan ay daneynayaana waa xorriyadda iyo wax-lahaanshiyaha iyo dhammaan xuquuqda asaasiga ah. Intaa ka dib, dadka xaaladdaasi ku sugan waa ka caro-geddisan karaan oo inta ay isu-tagaan ayay u guuri karaan heshiis bulsheed oo loo dhan yahay.

Marka la dejinaayo heshiiska bulshada Locke ma qabo in dadku ka tanaasulaan xuquuqdooda asaasiga ah, taas baddelkeeda waa in ay qeyb ka tanaasulaan gaar ahaan dhanka awoodda si ay u helaan hogaan dhowra xuquuqda gaarka ah ee shacabka, awooddu na cid gaar ah si buuxda loo ma siinaayo–si aan looga tagrifalin- ee si is ku dheelitiran ayaa awoodaha loo qeybin, oo aysan cidna ku xad-gudbi karin adeegsiga awoodda nidaamka dhisan. Locke, waxa uu mudnaanta siinayaa dhowrista xuquuqda shacabka, haddiise hogaanka laga waayo xuquuqda iyo xorriyaad ka shacabka, waxa uu qabaa in ay dadku is ka dul-qaadaan oo ay kacdoon sameeyaan, waana midda keentay in Yurub qarnigii 18-aad ka dhasho kacdoomo la isaga dul-qaadaayo boqortooyooyinka.

Jean-Jacques Rousseau(1712–1778), waa faylasuuf Faransiis ah waxa uuna noolaa qarnigii 18aad, buugaagta uu qoray na waxaa ka mid ah buug uu ugu magac daray, Social Contarct. Rousseau, waxa uu mala’awaalkiisa suureystay dad xor ah oo ku sugan xaalad wanaagsan, dadku na ay xor yihiin. Waxa uu leeyahay, qof walbo asiga oo xor ah ayuu dhashaa ee kaliya xeyndaab ku hareereysan meel walbo ayaa jiro. Sidaas daraadeed, marka heshiis bulsheed la gaaraayo cid walbo waxa ay soo bandhigeysaa doonisteeda, si doonis kali ah ay u noqoto doonis guud.

Rousseau, waxa uu aragtidiisa u dhigayaa in awoodda la siiyo shacabka, maadaama ayagu leeyihiin madax-bannaanida iyo doonista ba, waxa uu na qabaa in awoodda laga dhowro hoggaanka dalka iyo baarlamaanka ba, waxa uu na xukuumadda iyo baarlamaanka(labaduba) ku tilmaamay in ay shacabku adeego u yihiin. Asiga oo diiidan in awoodda la siiyo baarlamaanka dalka, ayuu waxa uu dacaayadeeyay Dowladda Ingiriis ka oo markaasi dowladnimadeedu bar-bilow aheyd, waxa uu yiri; “Shacabka Ingiriis ka waxa ay maleeyaan in ay xor yihiin, balse dhabtu waa in aysan xor ahayn marka laga reebo xilliyada doorashada, marka doorashada laga gudbo waxa ay addoon u yihiin Baarlamaanka.” Heerka uu gaarsiiyay u dagaalanka xorriyadda iyo la dagaalanka kalitelisnimada waxaa aad ka dheehan kartaa oraahdiisa caan ka ah oo u dhigan; “Xorriyad khatar leh ayaan ka doorbidayaa nabad addoonnimo weheliso.”

 

W/Q: Axmed Dhuubow