Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday hirgelinta adeegga E-VISA, kaas oo lagu soo dalban karo qaab elektaroonik ah, iyada oo loo marayo mareegta rasmiga ah ee Hay’adda www.evisa.gov.so.
Xafladdii daahgurka waxaa ka hadlay Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, isagoo ku dhawaaqay in laga bilaabo 1-da Sibteembar ajaanibka dalka soo galaya ay ku soo geli doonaan nidaamka E-VISA.
Wasiirku waxa uu hoosta ka xariiqay in nidaamkan casriga ah uu muhiim u yahay sugidda amniga dalka, oggolaanshaha iyo la socodka dadka soo galaya iyo sidoo kale xoojinta hufnaanta dhaqaalaha.
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Duhulow oo hadlay ayaa xusay in maanta ay Soomaaliya qaadday tallaabo weyn oo taariikhi ah, taas oo muujinaysa in dalka uu la jaanqaadayo nidaamyada casriga ah ee caalamka.
Waxa uu Agaasimaha Guud uu sheegay in nidaamka E-VISA uu door muhiim ah ka qaadan doono sugidda amniga dalka, ilaalinta xogta, kobcinta dhaqaalaha iyo fududeynta adeegyada socdaalka.
Sidoo kale Agaasimaha Waaxda Ajaanibta iyo Dalku galka Mudane Isxaaq Xassan Taakow ayaa sheegay in muddo dheer la soo diyaarinayay nidaamkan casriga ah ee codsiga fiisaha online-ka, kaas oo fududeyn doona in dadka ajaanibta ah ay ka dalban karaan dalku galka meelkasta oo ay joogaan.
Tallaabadaan waa mid taariikhi ah oo Soomaaliya ku biirinaysa dalalka isticmaala nidaamka casriga ah ee fiisooyinka elektarooniga ah.