Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo bandhigtay warbixin sanadeedka Waxqabadka ee Sannadka 2025, iyadoo hal-ku-dheggu yahay (Secure Borders, Safe Somalia) sugidda amniga xuduudaha iyo Ilaalinta dadkeenna.
Warbixintan ayaa muujinaysa horumar ballaaran oo Hay’addu ka gaartay sugidda amniga xuduudaha dalka, casriyeynta adeegyada socdaalka, iyo hirgelinta isbeddel dhijitaal ah oo saldhig u ah hufnaan, daahfurnaan iyo adeeg tayo leh. Sidoo kale, waxaa lagu falanqeeyay dib-u-habeynta sharciyeed, nidaamyo iyo qaab-dhismeed hay’adeed oo waafaqsan qorshaha istiraatiijiga ah ee HSJ (2025–2029).
Sannadka 2025, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxay guulo la taaban karo ka gaartay hirgelinta Nidaamka Oggolaanshaha Safarka Elektarooniga ah (e-TAS), casriyeynta baasaboorrada waafaqsan heerarka ICAO, xoojinta la-dagaallanka tahriibinta iyo dambiyada la xiriira socdaalka, iyo horumarinta nidaamyada xog-ururinta, ilaalinta xogta iyo maamulka waxqabadka.
Warbixintu sidoo kale waxay iftiimisay doorka Akeemiyada HSJ ee tababarka iyo tayeynta shaqaalaha, horumarinta kaabeyaasha xuduudaha iyo xarumaha adeegga, iyo iskaashiga qaran, gobol iyo caalami ee lagu xaqiijinayo amni xuduudeed oo waara.
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa mar kale adkaysay sida ay uga go’an tahay ilaalinta amniga qaranka, fududeynta safarka sharciga ah, dhowrista xuquuqda aadanaha, iyo hirgelinta hannaan casri ah oo ku dhisan xog, tiknoolajiyad iyo isla-xisaabtan.


