Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay baarlamaanka Giriigga, kaas oo joojinaya codsiyada magangalyo doonka.
“Sharciyada cusub ee wax ka beddelka ayaa joojinaya soo gudbinta codsiyada magangalyo doonka ee mudada saddexda bilood ,gaar ahaan kuwa ka imanaya Waqooyiga Afrika iyo dalalka kale,isla markaana dib loo celiyo iyada oo aan la diiwaangalin”sida lagu sheegay hadal ka soo baxay hey’adda UNHCR.
Hay’addu waxay ka digtay in dadka lag celiyo ama la geeyo meel ay kala kulmi karaan halis ku timaada noloshooda,iyadoo dhanka kale dowladaha la xasuusiyay in aysan ka weecan Karin mabda’a muhiimka ah ee sharciga caalamiga ah.
UNHCR waxay qiratay cadaadiska ay abuureen dadkii qaxootiga ee dhawaan tagay deegaanada Gavdos iyo Crete, waxaana intaa la raaciyay in la xakameeyo xudduudaha dalkaasi,sida waafaqsan sharciga caalamiga ah iyo kuwa Yurub.
Hey’adda Qaxootiga Dunida waxay ku baaqday in lala yimaado isku-duubni iyo tallooyin wadaag ah oo khuseeya gudaha Midowga Yurub si loo taageero waddamada safka hore sida Giriigga ee ay ka jiraan qulqulka dadka magangalyo doonka ah.