Hay’adda NISA oo Faahfaahin ka bixisay Howgal lagu Dilay Dhagar Qabe Horjooge ahaa oo ka dhacay Gobolka Jubbada Dhexe

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee (NISA) oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka ayaa Howlgal si Guul leh u dhacay, oo ay 8-dii Bishan ka fuliyeen meel u dhow Degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe, ku dilay Horjooge Maxamed Sahal Iidle, oo Magaciisa Afgarashadu ahaa Abuu Usaama.

Horjoogahan, dhagartiisa la dhaafiyay Shacabka Soomaaliyeed, ayaa ka mid ahaa Shaqsiyaadka ugu dhow Horjooge Axmed Diiriye, waxaana loo diyaarinayay in uu beddelo Horjoogihii Maaliyadda Cabdullaahi Wadaad, kaas oo isna 23-kii Janaayo ay Ciidanka Hay’adda NISA iyo Saaxiibada Caalamka kusoo afjareen Howlgal ka dhacay Deegaanka Kuunyo Barrow ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dhagar-Qabe Abuu Usaama ayaa ka tirsanaa qeybta Baadda iyo Boobka Hantida Shacabka Soomaaliyeed u qaabilsan Khawaarijta, waxaana xilliga la dilay uu si toos ah ugu Howlanaa uruurinta Dhaqaale Sharci-Darro ah oo laga qaadayay Muwaadiniin Soomaaliyeed.

Horjoogahan waxa uu horey u soo noqday: Horjoogaha Khawaarijta ee Gobolka Shabeellaha Hoose, Horjoogaha dabagalka Baadda Shacabka, Xubin ka Tirsan waxa ay ugu yeeraan Golaha Shuurada, Horjoogaha qeybta Marin-Habaabinta, sidoo kale, intii uu Cadowgu haystay Magaalada Kismaayo waxa uu soo noqday Horjoogaha Dekedda Kismaayo iyo Horjoogaha Magaalada Kismaayo.