Hay’adda NIRA ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jartay Xarunta cusub ee Hay’addu ku yeelanayso degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir.
Xarunta ayaa waxa si rasmi ah xarigga uga jaray Gudooomiyaha Gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho mudane Maxamed Amiir, waxaana goobjoog ka ahaa Ra’iisul-wasaare hore mudane Cali Maxamed Geeddi, Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee BFS, Maareeyaha Hay’adda NIRA, Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), Guddoomiyaha Degmada Dharkeenley, iyo marti sharaf kale.
Hay’adda NIRA ayaa dardargelin ku wadda sidii Nidaamka Aqoonsiga Qaranka loogu baahin lahaa dhammaan degmooyinka Muqdisho, iyo guud ahaan dalka si loo xaqiijiyo gaarista diiwaangelinta dhammaan dadweynaha Soomaaliyeed.