Hay’adda NIRA oo ku baaqday in la qaato Kaarka aqoonsiga

Madaxda Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Qaranka (NIRA) ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay qaataan Kaarka Aqoonsiga Qaranka.

Baaqa ayaa yimid iyadoo maanta dunida laga xusayo Maalinta Aqoonsiga Adduunka, taas oo fursad u ah kor u qaadista wacyiga ku saabsan muhiimadda kaarka aqoonsiga.

NIRA waxay shacabka Soomaaliyeed ku boorrisay inay is-diiwaangeliyaan, isla markaana ka faa’iideystaan is-diiwaangelinta lacag la’aanta ah ee Kaarka Aqoonsiga Qaranka, taas oo socon doonta muddo kooban.

Hay’addu waxay xustay in kaarka aqoonsiga qaranku yahay mid muhiim u ah helitaanka adeegyada dowladda, iyo horumarinta nidaamka maamulka dalka.

Sidoo kale, NIRA waxay ku adkaysay bulshada in is-diiwaangelintani ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo xuquuqda muwaadin kasta, isla markaana lagu fududeynayo helitaanka adeegyada muhiimka ah ee dowladda iyo hay’adaha gaarka loo leeyahay.