Hay’adda Maareynta Musiibooyinka iyo WFP oo heshiis iskaashi gaaray

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya, Mudane Hameed Nuru, ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi oo ay ku wada shaqeynayaan labada sano ee soo socota.

Heshiiska waxa uu diiradda saarayaa xoojinta awoodda Soomaaliya ee saadaalinta khataraha, diyaar-garowga, digniinta hore, tallaabada hore iyo ka jawaabista xaaladaha degdegga ah, si loo helo gurmad bani’aadannimo oo wax-ku-ool ah.

Sidoo kale, heshiisku wuxuu taageerayaa xoojinta nidaamka maareynta khataraha musiibooyinka, sugnaanta Cunnada, taageerada bani’aadannimada iyo awoodda bulshada, si loo yareeyo saameynta musiibooyinka loona ilaaliyo nolosha iyo nolol-maalmeedka dadka Soomaaliyeed.