Hay’adda maaraynta musiibooyinka oo degaanka Janaale gaarsiisay deeq raashin ah By Aadan Sooyaal March 13, 2024 1 Min Read

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA,  ayaa maanta waxa ay degaanka Janaale ee Gobolka Shabeellada hoose u dirtay Doonyo sida shixnado mucaawino gargaar ah, kuwaas oo ka ambabaxay Degaan xebeedka Jasiira.

Doonyahaan ayaa ku xiran doono Xeebta Magaalada Marka ee caasimada Gobolkaas, waxaana intaas kadib looga daabuli donaa gaadiid si deegaankaas loo gaarsiiyo, waxaana saaran gargaar ka kooban qaybaha kala duwan ee raashinka.

Mucaawinadan ayaa loogu talagalay in la gaarsiiyo 1,500 oo qoys, waxaana Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka gargaarkaan ku wareejisay Guddoomiyaha deegaanka Janaale Md. Cabdiraxmaan Al-cadaala .