Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) waxay si weyn ugu faaneysaa daah-furka hanaanka wada-tashiga ee aasaaska u ah istaraatiijiyadda Qaran ee Jiilka Shanaad (5G). Hindisahaan ayaa ujeedadiisu tahay in Soomaaliya wax laga bedelo, iyadoo Soomaaliya ay u soo baxday waa cusub oo iskuxirnaan, hal-abuurnimo iyo barwaaqo guud.
Qabyo-qoraalka la soo jeediyay ee Istaraatiijiyadda 5G ee Qaranka ma ahan oo keliya qorshe hawlgelin balse sidoo kale waa tallaabo hiigsi leh oo ka tarjumaysa sida qotoda dheer ee ay HIQ uga go’an tahay in ay Soomaaliya hesho isku-xirnaan dhijitaal ah oo dhammaystiran. Waxa ay ballan qaadaysaa in ay kor u qaado koboca dhaqaalaha iyo hal-abuurnimada, abuurto qaab-dhismeedka sharciyeed, taageerto cilmi-baarista iyo soo bandhigidda horumarka muuqda ee bulshada. Tiirka istaraatijiyaddan ayaa ah in kaabayaasha shabakadda 5G-ga la geeyo dalka oo dhan, iyadoo la hubinayo in si siman oo jaban loo helo adeegyada internetka iyo isgaarsiinta guud ahaan dalka oo dhan.
Iyadoo la raacayo awaamiirta Guddiga Maamulka Sare ee HIQ ee la daabacay 22 Sebtembar 2022, istaraatiijiyadani waxay jeexaysaa khariidad gaar ah oo loogu talagalay qoondaynta hirarka 5G iyo horumarinta kaabayaasha xiga. Tallaabadan, oo qeyb muhiim ka ah istaraatiijiyad ballaaran oo daboolaysa teknoolajiyadda 2G ilaa 4G, ayaa dib u qaabaynaysa guud ahaan isgaarsiinta Soomaaliya.
Iyadoo wax laga qabanayo baahiyaha hirarka 5G-ga, istaraatijiyaddu waxay xoogga saaraysaa isdhexgalka hirarka isku dubaridan ee qaybaha kala duwan sidookale na waxay xooga saaraysaa muhiimada ugu wayn oo ah u diyaarsanaanta deegaanka. Tan waxaa ku jira qaan-gaarnimada tayada aaladaha isticmaalaha iyo qalabka shabakadaha, taas oo muhiim u ah in si degdeg ah oo hufan loo geeyo 5G.
Iyadoo loo marayo qorshaheeda dhammeystiran, Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka waxay u aragtaa Istaraatiijiyadda 5G-ga ee Qaranka inay tahay tiir-dhexaadka furitaanka awoodda 5G-ga ee baaxadda leh ee dalka.
“Istaraatiijiyadu waa wax ka badan qorshe oo keliya – waxay ballan-qaadaysaa mustaqbal isbeddel iyo barwaaqo ku dhisan. Si midnimo lehna, waxaan u abuureynaa masiirka Soomaaliya oo rajo leh oo isku xiran,” ayuu yiri Mudane Mustafa Yaasin Sheikh, Maareeyaha Guud HIQ
Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknoolajiyadda, Mudane Axmed Cismaan Diiriye, oo ka hadlay xafladda furitaanka waxa uu yiri “Istaraatiijiyadda 5G ee qabyada ah waxay ka tarjumaysaa siyaasadda iyo istaraatiijiyada ICT-da ee 2019-24 ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada si loo horumariyo isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda Soomaaliya.” wuxuuna ku daray: “Daahfurka wada-tashigan wuxuu ku martiqaadayaa dhammaan daneeyayaasha inay wadaagaan fikradahooda iyo talooyinka ku aaddan istaraatiijiyadan.”
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) waxay qaadatay hab loo wada dhan yahay si loo horumariyo Istaraatiijiyadda 5G ee Qaranka, waxayna ku casumeysaa dadweynaha iyo daneeyayaasha inay soo gudbiyaan ra’yigooda ka hor November 2, 2023. Dukumentiga wadatashiga waxaad ka heli kartaa link soo hoose:

