Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa Maanta qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya (The AI Summit Somalia 2026), oo ah Madal heer Qaran ah oo lagu gorfeynayo doorka Garaad Gacmeedku (Artificial Intelligence – AI) ku yeelan karo Horumarinta Adeegyada Bulshada, Kobcinta hal-abuurka, dardargelinta isbeddelka Dhijitaalka ah, iyo Horumarka Dhaqan-Dhaqaale ee Soomaaliya.

Shirkan oo soconaya muddo Laba Maalmood ah ayaa waxaa soo qabanqaabisay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), iyadoo kaashanaysa Bulshada Garaad Gacmeedka Soomaaliya (AI Somalia Community), isla markaana si dhow ula shaqeysay Jaamacadda Zamzam iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (SNU), kuwaas oo si wadajir ah qeyb uga ahaa qabanqaabada Shirkan.

Shirweynaha ayaa waxaa si rasmi ah u furay Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo khudbaddiisa ku xusay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay si istaraatiiji ah uga faa’iidaysato fursadaha uu bixinayo Garaad Gacmeedka si loo Horumariyo Waxbarashada, Cilmi-Baarista, hal-abuurka, iyo Koboca Dhaqaalaha Aqoonta ku dhisan.

Munaasabadda Furitaanka waxaa sidoo kale khudbado ka jeediyay Dr. Maxamuud Maxamed Xasan (Harbi), Guddoomiyaha Jaamacadda Zamzam ee Culuumta iyo Teknoolojiyadda; Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed; Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka; iyo Mudane Axmed Ismaaciil Diiriye, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo si gaar ah u iftiimiyay Fursadaha iyo muhiimadda uu Garaad Gacmeedku u leeyahay horumarka iyo Mustaqbalka Soomaaliya.
Shirka waxaa Goobjoog ka ahaa masuuliyiin ka socday Dowladda, Jaamacadaha iyo xarumaha tacliinta sare, Cilmi-baarayaal, khubaro Teknoolojiyadeed, hal-abuurayaal, Ganacsato, Ururrada Bulshada Rayidka ah, Arday, iyo daneeyayaal kale oo ka kala yimid qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Labada Maalmood ee Shirku socdo waxaa lagu falanqeynayaa Maamulka iyo nidaaminta Garaad Gacmeedka, iyo sidoo kale doorka uu ku leeyahay Horumarinta Adeegyada Dowladda, Waxbarashada, Caafimaadka, Beeraha, Amniga Saaybarka, ilaalinta Xogta, xuquuqda dhijitaalka ah, Garaad Gacmeedka Af-Soomaaliga, hal-abuurka, iyo Dhaqaalaha Dhijitaalka ah.

Shirweynahan ayaa ujeeddadiisu tahay in la abuuro Madal mideysa Dowladda, bahda Tacliinta Sare, Cilmi-baarayaasha, Ardeyda, hal-abuurayaasha, Shirkadaha gaarka loo leeyahay si loo dhiirrigeliyo wada-shaqeyn wax ku ool ah iyo Xalal ku dhisan Garaad Gacmeed oo ka jawaaba baahiyaha dhabta ah ee Soomaaliya.

Shirkan waxaa taageeraya oo maalgeliyey Bangiga Adduunka (World Bank Group) iyada oo loo marayo Mashruuca SCALE-UP.