Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo ku guuleysatay shahaadooyin caalami ah

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa ku guuleysatay saddex shahaado oo caalami ah oo uu bixiyo ururka caalamiga ah ee ISO.

Munaasabad lagu soo bandhigay seddexda shahaado ayaa lagu qabtay xalay magaalada Muqdisho, taas oo ay ka qeybgaleen Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mas’uuliyiin ka socda dhammaan shirkadaha isgaarsiinta, jaamacadaha, bankiyada, iyo ururrada bulshada rayidka ah.

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Soomaali oo munaasabadda ka hadallay ayaa sheegay inaysan aheyn wax sahlan ku guuleysiga saddex shahaado caalami, taasoo keentay shaqo la taaban karo in laga qabatay dalka.

Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasin ayaa isna sheegay in hay’adda qabatay howlo muhiim u ah Qaranka taasoo keentay in ururka Caalamiga ah ISO ka helaan shahaadooyinkaas caalamiga ah.