Muqdisho(Wargeyska Dalka);- Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa daahfuray Barnaamij Tababar ah oo loogu talagalay Shaqaalaha Dowladda si ay u helaan aqoonta, iyo Shahaadooyin Caalami ah oo ku saabsan Amniga Saaybarka.
Barnaamijku wuxuu diiradda saarayaa diyaarinta khubarada ICT-da ee Hay’adaha Dowladda si ay u helaan Shahaadooyin Caalami ah, taasoo kor u qaadaysa awooddooda ku aaddan ilaalinta xogta Qaranka iyo ka hortagga khataraha sii kordhaya, weerarrada iyo Burcada Internet-ka.
Maareeyaha Guud oo ka hadlay daahfurka “Tababarkan waxa uu qayb ka yahay dadaallada Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ee lagu xoojinayo ilaalinta kaabayaasha Dhijitaalka ah ee Dalka, sugidda Amniga Xogta, iyo ka hortagga khataraha sii kordhaya, weerarrada iyo Burcada Internet-ka. Sidoo kale, Barnaamijku wuxuu Gacan ka geysan doonaa dhisidda awoodda Shaqaalaha Dowladda si ay u ilaaliyaan nidaamyada iyo adeegyada Dhijitaalka ah ee Qaranka.”
Maareeyaha Guud ayaa sidoo kale la dardaarmay ka-Qaybgalayaasha, isagoo ku boorriyay inay si buuxda uga faa’iidaystaan fursaddan, isla markaana u adeegsadaan aqoonta ay helaan ee horumarinta Amniga Dhijitaalka ah.
Tababarradani Amniga Saaybarka waxa ay ka kooban yihiin Koorsooyin iyo Shahaadooyin Caalami ah, oo ay ka mid yihiin:
* CompTIA Security+
* Certified Incident Handler – EC Council
* Cloud Security Essentials – GIAC
* ISMS (ISO/IEC 27001:2022) Lead Auditor
* Certified Information Security Manager (CISM) ISACA
* Certified Information Systems Security Professional (CISSP) – ISC2
Tababarrada waxaa lagu qaban doonaa Muqdisho, qaab fogaan-arag (online), iyo Nayroobi, muddada u dhaxaysa 28 Maarso ilaa 8 May 2026.
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa hore ugu wargelisay Hay’adaha Dowladda inay soo magacaabaan Shaqaale heysta ugu yaraan Shahaadada koowaad ee Jaamacadda (Bachelor’s Degree) ee Culuumta Kombuyuurtarka, IT-da, iyo Engineering-ka ama wax u dhigma.
Sidoo kale Musharraxiinta ka qeybgalaya waa inay leeyihiin ugu yaraan khibrad laba (2) Sano ah ama ka shaqeeyaan Maamulka Nidaamyada (System Administration), Maamulka Shabakadaha (Network Administration).
Si loo hubiyo tayada iyo Horumarka Barnaamijka, kaliya ka-qaybgalayaasha ku guuleysta Imtixaannada koorsooyinka ayaa u gudbi doona heerarka xiga ee Shahaadooyinka.
Barnaamijkan Tababarka waxaa taageeraya Bangiga Adduunka (World Bank Group) iyada oo loo marayo Mashruuca SCALED-UP, waxaana fududeynaya Machadka Sare ee Isgaarsiinta ee Afrika (AFRALTI), tababarkan ayaa xoojinaya dadaallada lagu dhisayo awoodda Amniga Saaybarka iyo Shaqaalaha Dowladda ee Xirfad Sare leh.




