Hay’adda IAEA Oo Sheegtay In Uu Dhamaaday Heshiiskii Nukliyeerka Iiraan!

Xilligan oo  ay socdaan dadaalada, ay si gaar ah u riixayaan Midowga Yurub, si loo soo nooleeyo heshiiskii Nukliyeerka Iiraan, ayaa Wakaaladda Atomiga waxay xaqiijisay in  Iiraan ay ku xad gudubtay heshiiskii horay loola galay ee Nukliyeerka.

Agaasimaha guud ee wakaaladda Tamarta Atomiga, Rafael Grossi, ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in heshiiskii hore uu meesha ka baxay, isla markaana sida kaliya ee horay loogu socon karana ay tahay in heshiis cusub lala galo Iiraan, sidaas waxaa sheegay wargeyska Al Payiis.

Rafael Grossi  wuxuu sidoo kale carabka ku adkeeyay in wakaaladu aysan aqbali doonin  in Iiraan ay isticmaasho Nukliyeer cadaadis la’aan, waxuu intaa raaciyay in mas’uuliyiinta Iiraan ay dhaafeen boqolleyda loo oggol yahay tayeynta yuraaniyamka.

Agaasimaha guud ee wakaaladda IAEA wuxuu tilmaamay in bilaha soo socda Nukliyeerka Iiraan uu noqon doono mid aad u dhib badan, xitaa haddii Dahraan ay caddeyso halka ay ka timid walxaha yuraaniyamka ee laga helay sanadkii hore meelo badan oo aan la shaacin oo gudaha dalkaas ah.

Hay’ada  IAEA ayaa shaacisay in bisha soo socota ee Abriil ay dhici doonaan wadahadalo farsamo oo ku saabsan yuraaniyamka Iiraan.