Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo xaqiijisay Shil Diyaraad oo ka dhacay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Mudane Axmed Macalin Xasan ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in Diyaarad Rakaab sida ay Shil ku gashay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, kadib markii ay dib ugu soo laabatay Garoonka wax yar kadib markii ay ka kacday.

Maareeyaha ayaa sheegay in aysan jirin wax khasaare Nafeed ah oo Shilka Diyaaradda ka dhashay, waxaana la soo badbaadiyey dhammaan Rakaabkii la socday Diyaaradda.

Diyaaradda oo u socotay Magaalada Gaalkacyo ayaa markii ay kacday waxaa ku soo baxday ciladda, taasi oo sababtay inay dib ugu soo noqoto Garoonka Aadan Cadde, “Beyloodkii waday Diyaaradda wuxuu kasoo dejiyey dhanka Magaalada, kadib markii ay soo cagadhigatay wuu xakameyn waayey, waxaana ka dhamaaday Dhabihii oo dhanka Badda ayey ula gudubtay, wax khasaare ah majiraan,” ayuu yiri Maareeye Axmed Macalin.