Hay’adaha SoDMA, FAO iyo UNICEF oo walaac ka muujiyay xaaladda sare u sii kacaysa ee La Nina

Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka (SoDMA) iyo Hay’adda Beeraha iyo Cuntada (FAO) oo kaashanaya Hay’adda UNICEF, ayaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku qabtay shir loogu qaaraamayo abaarta la saadaalinayo in ay keento xaaladda sare u sii kacaysa ee La Nina, taas oo lid ku ah fatahaadihii ka dhashay El-nino.

Shirka oo ay si wadajir ah u guddoomiyeen Gudoomiyaha Hay’adda SoDMA, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle, ayaa looga hadlay dhibaatada ka dhalan karta xaaladda La-nina, halka sidoo kale xoogga la saaray muhiimadda ay leedahay u diyaar garowga ka hortagga la-nina iyadoo loo baahanyahay wacyigalin xooggan iyo dhaqaale lagu mareeyo dhibaatada ka dhalan karta abaarta.

Sida la filayo, La-nina ayaa samayn ku yeelan karta in ka badan 16 degmo, iyadoo dhaqaala ahaanna loo baahanyahy 30 milyan dollar, si wax looga qabto.

Shirkaan waxaa qeyb ka aha madax ka socotay Hay’adaha Qaramada Midoobay, deeq-bixiyayaasha iyo safiirro ka matalayay waddamada Carabta iyo midowga Yurub.