Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) iyo Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL ayaa si rasmi ah u kala saxiixday habraac lagu dhaqangelinayo heshiiskii is-afgarad (MoU) ee bishii Janaayo 2025 ay wada galeen Hay’adda iyo INTERPOL.
Heshiiskan ayaa waxaa u kala saxiixay Agaasimaha Guud ee HSJ, Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow, iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, labada dhinac ayaana si wadajir ah u adkeeyay muhiimadda xoojinta iskaashiga labada hay’adood iyo wada shaqeynta lagu xaqiijinayo sugidda xuduudaha dalka, ladagaallanka dambiyada abaabulan, iyo ka hortagga socdaalka sharci-darrada ah.