Hawlgal lagu naafeeyey Khawaarijta oo ka dhacay Shabeelaha dhexe

Jowhar : Hawlgal lagu naafeeyey kooxda Khawaarijta ayaa ka dhacay deegaan u dhow deegaanka LLabo-garasee gobolka Shabeelaha dhexe.

Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo socod ku jiray ayaa waxaa jidka u galay ciidanka deegaanka ee Macawiisleyda, halkaas oo kooxda lagu gaarsiiyey qasaare culus.

Ciiddamada deegaanka ayaa ku guuleystay inay dilaan 5-ka mid dhagarqabayaashii ay jidka u galeen, waxayna ka soo furteen 6-qori oo ay wateen, hawlgalkaas ayaa u dhacay sidii loo qorsheeyey.