Hawlgal ka dhan ah Khawaarijta oo laga fuliyey Shabeelaha hoose

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan ururka 143-aad ee guutada 14-ka October ayaa hawlgal qorsheysan oo sifeyn ah maanta ka fuliyey tuulooyin hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose.

Hawlgalkan ayaa si gaar ah looga fuliyey tuulada Gaala-war oo 5-km dhinaca qorrax udhaca ka xigta Afgooye iyo dhul keyn ah oo tuuladaas ku teedsan, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay ku dhuumaaleysanyeen Maleeshiyaad katirsan Khawaarijta.

Taliyaha Guutada 14-ka October G/sare Nuur Maxamed Gaabow “Nur Farey” ayaa Xaqiijiyay in Geesiyaasha Qarankeenna ay ku guuleysteen inay Cagta mariyaan dhamaan goobihii gabbaadka u ahaa Khawaarijta, sidoo kalana ay kasoo maleegi-jireen falalka Amni darro oo qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ay kamid yihiin