Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Kismaayo: Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa maanta hawlgal ku dilay 19 Khawaarij deegaanka Baqooqaha ee gobolka Jubadda hoose oo qiyaastii 13km dhanka galbeed kaga beegan Buulo Xaaji.