HAWEYNEY NINKEEDA KA XAREEYSAY ROOBKA IYADOON U QASDIN

Sheekadan aadka xiisaha u leh ayaa ah sheeko xiisa galin doonta aqristayaasheena Wargeyska Dalka oo aalaaba aan Ku soo gudbino sheekooyin xiisaleh oo Kala ah sheeko madadaalo ah, sheeko taariq ah, sheeko Qiso ah iyo sheekooyinka Ka dhex dhaca bulshada dhexdeeda ayaan halkan idin Ku soo gudbinaa.

Sheekadan ayaa waxa ay Ku saababsan tahay nin ka mid ah dadka gaa gaaban iyo xaaskiisa waxa Kala qabsaday.

Maalin maalmaha ka mid waxaa dhacaday qoys reer guuraa ah oo deggan baadiyaha fog Kuwaas oo baadiyaha Ku haystay Xoolo Kala duwan sida Geela, Ariga iyo lo`da oo inta badan Soomaalidu ay aad u jecel yihiin ayaa maalin waxaa Ka dhex dhacday sheeko la yaab leh .

Sheekada ayaa aheed Hooyo haysta Afar Caruur ah iyo Aabahood Ku waa oo Ku noolaa baadiyaha ayaa maalin maalmaha ka mid ah oo Amin habeen ah oo ay jiifeen meel banaanka ah ayaa waxaa yimid Roob xooggan oo mahiigaan ah oo hooyadii Ku qasbay in caruurteeda roobka Ka soo xareysato.

Hooyaddii ayaa bilowday in ay mid mid u xareyso caruurta midkii Koowaad ayey xareeysay waana midka ugu yira cidda, midkii labaad oo ah Aabihii guriga oo ahaa nin aad u gaaban ayey isna Roobkii Ka xareeysay oo ay xambaartay mid kii sadaxaad ayey xareeysay ugu danbeyn midkii afaraad ayey Roobkii oga tagtay oo ay Ku tiri war xaaji roobka Ka soo xaro iyadoo jees jeeseysa oo ku qosleysa.

Xaajigii ayaa inta uu qosol afka jabsaday Ku yiri Naa heblaay cunugga inoo soo xaree roobka yuusan Naga dilinee. Xaajiyaddii ay afka qabsatay oo isla yaabtay.

Sidoo kale Xaajigii ayaa yiri Xaajiyo waxaan ahaa qofkii labaad ee aad soo xareeysay marka ciyaalka roobka Ka soo xareyneysay .

Xaajiyaddii inta ay yaabtay oo arrinkaas tacajib Ku noqday ayey tiri Caku Nin gaaban faa`ido malahan oo mar mar waxa uu ka mid noqdaa ciyaalka yar yar.

Dabcan gaabnida faa`iidadaas ayey leedahay oo haweyneydaadii ayaaba inta ay Ku xambaarta sariirta Ku soo seexineyso.

Dabcan sheekadan waxaan oga gol leeyahay in ragga gaagaaban ay yihiin rag jaanisyo fiican haysta haddii ay ahaan laheed Xoogga, howl karnimada, ad adeegga iyo shaqo Wanaagga.

Ugu danbeyn Ragga gaagaaban waxaan Kula talinayaa in ay Caruurta Ka dheeradaan haddii kale waxaad Ka mid noqoneysaan caruurta ay xaajiyaddu xareyneyso.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan.