Hantidhawraha guud ee Qaranka oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Maamulka Ururka Hay’daha Hantidhawrrada Guud ee Afrika.

Ururka Hay’daha Hantidhawrrada Guud ee Afrika ee af-Ingiriisiga lagu dhaho (AFROSAI-E) ayaa maanta Guddoomiyaha Golaha Maamulka ee saddexda sano ee socota (2022-2024) u doortay Hantidhawraha Guud ee Qaranka Mudane Maxamed Maxamuud Cali.

Waxaa sidoo kale Guddoomiye Ku-xigeen loo doortay Hantidhawraha Guud ee Kenya Marwo Nancy Ganthungu.

Dhammaan hawlwadeennada Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranku ayaa u hambalyeeyey Mudane Maxamed Maxamuud Cali, Hantidhawraha guud ee Qaranka.