Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshaddaha Xukuummada Federaalka Soomaliya,mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ka hadlay dagaalka ka dhanka ah kooxaha khawaariijta kuwaas oo caadaystay boobka dhaca iyo dilka shacabka Soomaaliyeed.
Wasiir Cabdirashiid ayaa sheegay in ilaalinta hantida shacabka Soomaaliyeed tahay masuulyad saaran dowladda ayna ilaalinayso cida laga ilaalinayaana tahay kooxaha khawaariijta” Cali Dheere adiga iyo Khawaarijta kale waxba la idin ka waydiin maayo ilaalinta Hantida Soomaaliyeed, cidda laga ilaalinaya waa idinka oo khawaarij ah” ayuu yiri wasiirka.
Dowladda Soomaliya ayaa dagaalkii ugu adkaa ku qaaday illaha dhaqaalaha kooxda khawaariij iyadoo dowladdu xanibtay 250 Account sidoo kale na dowladda ayaa xirtay 70 Telefon oo khawaariijta u adeegsan jirtay ururinta illaha dhaqaalahooda.