Hambalyo Maalinta Xorriyadda Dowladda Mareykanka

Wargeyska Dalka:-Munaasabadda Sanad-Guurada 250-aad ee Xorriyadda Mareykanka awgeed, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Hambalyo iyo bogaadin u dirtay Dowladda iyo Shacabka Mareykanka.

 

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay qadarinayso Saaxiibtinimada soo jireenka ah ee ka dhaxaysa labada Dal, iyadoo u rajeysay Dowladda iyo Shacabka Mareykanka Nabad, Barwaaqo iyo guulo waara Munaasabaddan Taariikhiga ah.