Waa hadal murtiyeed ay Soomaalidu ku maahmaahdo weerta kor ku tibaaxan oo maanta oo kale loo daliishan karo waxa ka dhacay dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Mahmaadaan Soomaaliyeed waxay bulshadeena u adeegsadaan marka dad tira badan oo wada wanaagsan ay tiro aad u yar oo iyaga ka mid ah ay xumo ku sifoobaan ama ay gaystaan ha ahaato kas ama kas dhaaf mar walba waa danbi haba kala duwanaadaan.
Baryahan danbe waxaa ku soo badanaya magaalada Muqdisho dilalka dirawallada Mooto Bajaajta iyo dadka shacabka ah ee ay u geysanayaan qaar ka mid Ciidanka dalka hase yeeshee waxaa barbar socda wax ka qabashada dhibtaas oo waxaa loo Maxkamadeeyay qaar ka mid ah edeysaneyaashii oo ay ku caddaatay inay geysteen dembigaas oo dil lagu xukumay tiirkana la geeyay.
Ma aha in ay indhaha ka fiirsadaan oo ay eegtaan, balse waa in ay gacan bir ah la isaga qabto wax ma garatadaas aan kala aqoon wax san iyo wax xun isla markaan iska horleexiyaan si aan dhammaantood loogu wada sheegin dad wada xun.
Qormadaan waxaan uga gol leeyahay waxaa jira falal aan horay loogu arag magaalada Muqdisho oo ay ku kacayaan maanta qaar yar oo ciidanka qalabka sida ka mid oo aan markoodii hore soo marin hannaankii ciidan xulashada ee rasmiga ahaa ee dhammeestirka tababar oo lagu bari jiray Shuruucda dalka, waajibaadkiisa iyo xuquuqda ay Bulshadu ku leedahay.
waxaan aragnaa dhacdooyin xiriir ah oo xanuun badan oo isugu jirta dil, dhaawac iyo dhac loogu geesto Bulshada ku nool Caasimadda dalka oo inta badan ay gaystaan kuwo isugu Mooriyaan, ciyaal weero iyo askar ku xadgudbay sharciga dalka.
Waa qowlaysato si uun ugu soo biirtay ciidanka Qaranka oo la moodo in lagu soo ababiyey fool xumaynta ciidanka qaranka, sababta oo ah ma habboona in marka horaba loo qoro ciidanka shaqsi fidra ahaan ahaan aan wax uun soo baran oo ku soo indha dilaacsaday xiliyadii fawdada iyo burburka oo kaliya yaqaan dil iyo is dil, oo tababar xiligiisa gaaban yahay lagu soo kala tusiyey hannaanka askarinimada iyo sida xabbadda loo rido oo aan loogu darin cidda laga ilaalinayo xabbadda iyo qoriga uu haysto iyo cidda loogu tala galay in uu ku rido maxaa laga filan karaa markii la soo istaajiyo waddooyinka caasimadda iyo isgoosyadeeda, kaliya waa in uu sameeyaa waxa ay dadwaynaha Soomaaliyeed ka wada qayliyeen oo laga yaabo in ay dawladdooda ka shakiyaan una qaataan cadaw kale oo ka sii xun kuwii soo daashaday.
Dhinaca kale darawallada Bijaajka sida ay u badan yihiin waa dhallinyaro ay waalidiintii dhashay u gadeen ama cid kale ijaar ugu shaqeeya si ay nolashooda u maareeyaan kadib markii ay shaqo la’aantu ku soo badatay dalka haseyeeshee qaar ka mid ah dirawalladan ma ahan dad maankooda fadhiyo oo kala yaqaan waxa uu ciidanku yahay iyo waxa uu nidaamka wada marista ay tahay, halkaasna waxaa ka yimaaday in bajaajlayaasha oo istimaalaya Maandooriye ay ku kacaan falal liddi ku ah waddo marista iyo madax adeeg oo ay isugu taagayaan askarigii qorraxda taagnaa taas oo inta badan dhalisa falalkan xun ee dhaawacay quluubta dad badan oo dowlad ku nool ah balse marnaba ma mudna in khalad khalad lagu saxo oo lagu banneesto dhiig qof muslin ah, arrintan ayaa looga fadhiyaa inay dowladdu xal waara u hesho waana tan keentay in Golaha Wasiirradu shir aan caadi ahayn ka yeeshaan si loogu helo xal waara oo lagu kala badbaadinayo Bulshada iyo Ciidanka Qalabka sida inta yar ee marin habaabsan iyada oo Madaxweynuhuna sheegay Qofkii qof dila in la dili doono oo aan danbiila la qarsan doonin laguna difaaci karin Qabiil iyo Koox toona.
In kasta oo aysan dhaliiluhu yaran haddana waxaa maamulka dalka la gudboon in askarteeda ay kala taqaan hawlaha dhibka ka imaanayana ay u xilsaarataa askarta miyirka qabta oo aan isticmaalin balwadda oo runtii waaya arag ah, kuwa wasakhaynaya ciidankana waa in ay u dirtaa xeryo lagu dhaqan celiyo, oo maskaxda looga soo dhaqo si ay marka ay soo dhamaystaan tabarkaas naftooda, dalkooda iyo dadkooda u wanaajiyaan oo ay la jaanqaadaan meel kasta oo dalka loo jiheeyo, waa kaas waxqabdka muuqda ee dowlad maamul lagu imaani karo waana kaas hannaan dawladnimo ee laga rajeeyo wayn yahay ee laga filayo horumar iyo midnimo Bulsho.
Qaranku wuxuu CXD Qoriga ugu dhiibay inay ku difaacaan dalka, ka ilaaliyaan Cadowga kaga soo duulaya dibadda iyo Gudaha si bulshada Soomaaliyeed ay nabad ugu seexdaan, ugu soo toosaan, ugu shaqo tagaan, ugu soo hoydaan uguna Cibaadeystaan balse Askarigii la yimaad wax ka duwan wixii loo egmaday waxaa hubaal ah inuu marayo ciqaabteeda sidoo kale waxaan meesha ka marneyn in haddii Askarigu la yimaado dadaal dheeri ah isagana lagama maariyo wanaagga uu la yimid iyo u gudasha waajibkiisa sida ugu hufan oo ay daacad iyo karti ku dheehan tahay.
Askartana waxaan leeyahay kiina xun iska qabta yuusan magaca iyo maamuuska ay bulshadu idiin hayaan idinka dilin.
DALKA EDITORIAL