Horta kaalay aan ku su’aale xamar waa imisa degmo, degma kastana waa imisa laamood, laan kastan waa imisa waaxood, waax kastana waa imisa fallar, fallarkiina waa imisa guri, guri kastan waa imisa nambarkiisu, saldhigguse ma qabtaa howsha looga baahan yahay, marka hore taas ayaa mudan in jawaab loo helo, intaas haddii la ogaado oo salka loo dhigo wax badan ayaa noo hagaagaya.
Qofka aan intaasi aqoon muxuu degmada iyo amnigeeda ka qaban karaa? Degmo walba saldhig baa ku yaalla waa sidee iska warqabkooda iyo isla shaqeyntooda, ciidanka saldhigga ku sugan ma ku roondeeyaa habeenkii iyo maalintiiba waddooyinka soo gala degmada, ma jiraa wax isku xir ah, ma helaan wax xuuraan ah, wax walba ma ka warqaan waaxda kale ee isgaarsiinta waa sidee, haddii meel wax ka dhacaan oo ka tirsan xaafadda sidee gurmad deg deg ah loo heli karaa dhiig bax hortiisa iyo ka dibba.
Meesha shaqooyinka iyo nidaamka looga baahan yahay dhab ahaantii waa taas oo awood iyo dadaal lagu daro
Degmo marka lagu leeyahay waa in laga helaa dhammaan wixii magaalo laga heli lahaa iyo dhammaan adeegga bulsho, waa inay isbitaalkeedi leedahay, waa inay iskuulaadkeeda leedahay, waa inay saldhiggii iyo suuqyadeeda leedahay waa inay xafiiska dowladda hoose iyo faracyada uu ka kooban yahay laga heli karaa, waa in bangiyada xawaaladaha laga heli karaa, waa in farmashiiyeyaal leedahay oo habeenkii heeganka soo jeedka taasi waa dhanka daryeelka bulshada, siiba ambalaasta waa inay ku hooydaan degmada, baabuurta boliiska ee loo yaqaanno 888 waa inay laamiyada iyo isgoosyada gaaf wareegaan, iyagoo baacsanaya tuugada iyo burcadda, gawaarida shabaqleyaasha sidoo kale waa inay ka mid noqdaan habeenkii heeganka degmada war amaan waa rabnaa jidkeedana ma heyno, meel kasta oo mugdi ah waa in lagu suraa nalalka loo yaqaanno sollarka iyo camera sisiida si dadku isaga eegaan tuugta iyo wasaqda u dhuumaneysa,
Sidoo kale, degmooyinka waa in laga ciribtiraa geedka loo yaqaanno cali garoobka ama geed yahuudka waa burcad u kaalmeys waa howlaha laga rabo degmooyinka qaarkood.
waa in aysan degmo, degmo kale waxba uga baahan ilaa wax dagmada ka awood badan ay yihiin maahee.
Matalan degmada waaberi aan ka soo qaadanno tusaale ahaan, degmadu waa afar laamood, laan kastana waxaa hoos taga waaxyaheeda wax kasta waxaa hoos taga fallarradeeda, fallar walbana waxaa hoos taga inta guri ee ku taalla oo wada nambareysan iyo guri walba inta qoys ee ku dhex nool waa intaas uun waxaa leysaga daba wareegayo ee la garan la’yahay si loo sugo, guddoomiyaha fallarku wuxuu ogaan karaa guri walba waxa ku soo kordhay caawa dhib iyo dheef waxa ay qabaan, taasi mala hayaa hadda.
Haddaba, Waa muhiim in degma kasta heshaa baalashii ay ku duuli lahayd ee daruuriga u ah, degmo waa intaan kuu soo sheegay oo kala ah dugsiyadii hoose/dhexe iyo sare, saldhigyadii boliiska, sidoo kale isbitaalladii, MCH-yadii suuqyadii, ceelashii, dukaamadii iyo waxyaabo kaloo badan oo jiritaanka degmo in laga helaa ay daruuri tahay.
Intaas waxaan raacinayaa in yar oo muhiim ah degma kasta waxay leedahay waddooyin waxaa ka furan sida badan maqaayado, maqaayadaha qaarkood waxay biyaha wasaqda ah ku soo daadiyaan bartamaha laamiga gaar ahaan xilliyada habeenkii ah.
Teeda kale, waxaa meeshaas ka maqan kontoroolkii faya dhowrka waayo maaqayaddu ama baarka waa in ay ka shaqeeyaan dad nadiif ah oo dowladdu baartay caafimaadkooda heystana ruqsad ay kaga shaqeyn karaan Maqaayada iyo Baararka waa weyn, waxaad arkeysa sida badan kabalyeeri dharka uu wato aad ka dheehan karto nadaafaddarro, taasina waa xadgudub laga gelayo muwaadinka soo cunto doontay.
Haddaba, haddaan usoo noqdo abaabulka iyo isku xirka bulshada ku dhaqan degmada waa arrinta ugu muhiimsan jiritaanka degmada, dadku markay xaafad xaafad isku garanayaan way isaga dhawyihiin dadka kale ee ka yimid degmooyinka kale, waayo iyagaa iskugu yimaada galabtii biibitooyinka lagu qaxweeyo ee degmadu leedahay ugu yaraan way iswada bar garanayaan, way isla hasaawayaan, oo markii baaritaan yimaado xaafadda way isa sheegi karaan oo kan xafadda ayuu deggen yahay kanna xaafadda ma deggana ayay dhihi karaan
Marka abaabulka iyo wacyigelinta waa qeybta ugu muhiimsan degmada,
Dadka ku dhaqan degmada laamaheeda kala duwan waxaa wanaagsan in ay sameeyaan is dhex gal waxaana abaabuli kara maamul kasta oo degmo waxayna sameyn karaan tusaale ahaan koob ayaa loo dhigayaa oo ay ku tartamayaan iyadoo kubadda cagta iyo tan koleygaba lagu tartansiinayo halkaasna waxaad ka soo baxaya taageeroyaal badan oo kala taageerayaal xaafadaha ciyaaraya, taas keliya maahan oroddo ayaa loo qaban karaa, fan iyo suugaanta ayey ku tartami karaan iwm.
Haddaba, mahayaan degmooyinka gobolka banaadir howlahii laga sugayay ee bulshada ku dhaqani uga baahneyd? Waan soo kookoobay balse xaajadu intaasi way ka ballaaran tahay, oo waxaa ka mid ah oo mid walibana in gooni faallo looga bixiyo u baahan sida bullaacadaha degmada ku yaalla, biyo fadhiisiyada, leerarka laamiyada iyo lix mittirrada ee bulshada ka dhaxeeya, nadaafadda, ciidda fadhiisata laamiyada dhexdooda oo wax ka qabasho u baahan mar walba, waxaan mararka qaar isweydiiyaa aaway shaqaalihii nadaafadda ee dowladda hoose ee xilliyadaan dambe loo bixiyay malaamilleey, soo celinta bilicda degma walba iskeed isku qurxineyso, nadiifinta ceelasha biyaha, buufinta geedaha iyo rinjiyeynta jiingadaha guryaha iwm
waxaan ka hadleynaa waa hal degmo wixii looga baahnaa taas ayay la mid yihiin degmooyinka ku yaalla gobolka banaadir oo dhan.
Sugitaanka amniga degmada iskeed ayaa looga rabaa waa in uu jiraa tartan dhanka amniga degmada waa in dowladdu ku abaal marisaa degmo waliba degmadey ka amaan badan tahay dadkeeduna sidey rabaan ugu dhax mushaaxayaan iyo midda lama galaayga ah, meeshii dhib ka jiro waa in wixii ciidan ah oo dhan leysugu geeyaa si loo suuliyo amni xumida iyo munkaraadka ka jira Meesha.
WQ: Osman Dhiblaawe