HADAAD XIRTO BIYAHA WABIGA ANNA JEENANKAAN XIRAA!!!

Haddaad ismooday soomaali inay tahay tii hore maya waad khaldan xisaab been ah ayaad isku dhufsatay waxaad moog tahay caga baruuroow in adduunyadu isu baahan tahay siiba adiga aad baad u tabar yar tahay oo baahida ugu badan ay dhankaada ka timaado, ilaa haddana badaheenna waxaad uga daba meyreysaneysaan waa baahi aad qabtaan, soomaali waxba uma aragto webi la xirto, ciidna awalba uma baahneyn

Baddaas dheer ilaahbaa na siiyay oo dad muslimiin ah oo Sharaf ilaah aktiisa ku leh baan nahay adiga waxba nagama joojin kartid, biyaheenna ayaan macaan iyo qaraar u bedeleynaa oo beerahana ku waraabineynaa haddaan rabno ceelal wada dihan ayaan qodaneynaa, balse adiga sameey intaas aad sheegtay ee aad ku goodisay, war soomaaliya weligeed adigaa u baahnaa haddana u baahan oo dadkaada ka tuugsada oo dariiqyada u yaal yaalliin maskiin yahow,

teeda kale laabta ku heyso haddaad webiga joojiso annaga masar iyo suudaan midna maahin ee waxaan kaa xireynaa dhamaan waddooyinka ay kuu soo maraan dhuuniga ay dadkaada cunaan ama quutaan, waddooyinkana waan u galeynaa shufto ahaan baan u dhaceynaa siiba tareennada kuu shaqeeyaa manta si nabad ah berri ha filamin in ay kuu shaqeeyaan, birahaan kala baxeyna waddooyinka isku xira itoobiya ilaa jabuuti, dekadaheynana kama soo degayaan wax adiga kuu socda markaasbaa baahi run ah aad arki doontaa waayo jabuuti annagaa leh in la riyoodo waxaa ka horreysa in la hurdo caga baruur toos, nalooma hanjabo annaga.

Annaga qani baan nahay baahina kama cabsaneyno ilaah baan naga deeqay laakiin mujrimka adoo kale ah waxaa la tusaa tabartiisa, intaan kuu sheegayna waxaa kaa xiga oo qura intaad webiga ka xireyso oo keli ah, xabadna haddaad qush siiso sidoo kale ha sugin cunto iyo shidaal nabad kugu yimaado xataa xafaayadda ilmahaad waayeysaa, quruxda idinka muuqataba waa annaga jisaar yahow maskiinka ah annagaa noogald sheeganeysaa imisa dhibaato ayaan kaa heynay.

War mar horaad ku xaartay dhammaan dowladihii kuu dhawaa suudaan, eritariya soomaaliya, jabuuti oo way kaa xiran yihiin meeshii kaliya ee aad ku nooleydna haddaad fara fareyneysaa marka u diyaar garow adigoo raalli ah oo lagula dagaalin in aad u dhamaan doontaa gaajo iyo cudurro hubka aad ku booteyneysana shidaalkoodii annaguu na soo maraa haddaan rabno maraakiibta aad ku faaneyso ayaan badda u joogsan karaan oo kaa afduuban karnaa caga baruur hurtada ka kac, xaalku sidaad mooday maahan waa ka culusyahay.

War haddaan ku dhahno  xagga dhaqaalaha kaala dirireynaa wallaahi dhegahaad qabsan doontaa dadkaana kugu kici doona sicir barar aadan qiyaasi karinna waa sugeysaa, soomaaliya inaad cagaha kaleefto ayaa dantaada ku jirta caga baruur ha nagu qasbin inaan cunaqabateyn kugu soo rogno manta adduunyada annagaa furaha u hayna wake up waryaa.

WQ: Osman Dhiblaawe