Xilli walba wuxuu wataa mowjadahiisa, dareenkiisa iyo waayahiisa mana jiro xllii aan laheyn ugu dambeynta wax uu ka tago oo mar walba waxaa hara taariikh ha xumaato ama ha samaato.
dadku waayaha waqtiga waxay kala haraan taariikh ku sundan kaalintii ay ka galeen waxayna dadka ugu cadcad noqdaan kuwa lagu soo qaato marka laga hadlayo waayahaas marka laga gudbo ee hadana dib loo xasuusto.
Xilliga halganka waxaa jira dad ka muuqda oo muuqashadoodaay ku jirto dhiiranaan, geesinimo iyo xitaa naf hurnimo kuwaas oo marka dambe loo aqoonsabo geesiyaal, halgamayaal ama naftood hurayaal.
Kuwani waxay ku astoobaan taarikhda halgan ee dal kasta waxaana looga sheekeeyaa carruurta jiilba jiil waxaana lagu qoraa kutubta taariikhda.
Dadkaasi waxay mutaan qaarkood taallooyin loo dhiso, ubax lagu maamuuso iyo baalal dahab ah oo lagu qoro iyadoo ay dadkani noqdaan kuwo lagu daydo wixii ay sameeyeen ee wanaagsanaa waana tan la yiraahdo “Taariikhdu dadkey bartaa dunida waayaheeda” oo waxay na tusaaleysaa dad laga yaabo in aanan waqtigoodii annagu joogin oo ay noo sheegto wanaaaggii ay faleen.
Marka laga hadlo Soomaaliyana waxaa soo maray dad badan oo sidaas ah oo dalkan wanaag badan u falay qaarkoodna naftooda u huray sidii ay soo gaarsiin lahaayeen wanaag, xornimo iyo in aan ka baxno gacanta shisheeyaha iyo gumeysigii.
Dadkaasi u dhintay halganka xoreynta jiilka iyaga ka dambeeya ee maanta nool iyagu ma goosan mirihii xorriyadda ee ay ka tegeen laakiin innaga ayaa ku nafcinay oo goosanay waana dhaxalka ay nooga tageen maanta ee aad harsaneyno.
Sidaas ayaa dadka ay ugu jiraan dad wanaag sameeyeyaal ah oo wanaag ka tagay halka laga yaabo in ay jiri karaan kuwo aan waxba ka tagin ama ka tagay taariikh madow oo aan dalkan waxba u dhaafin kuna asteysan daalimiin dal iyo dadba gubay oo aan waxba u reebin.
Maanta Soomaaliya waxay mareysaa marxalad reebi doonta taariikh muhiim ah oo kala saari doonta kii dalka lug jiiiday ee lugooyada iyo baaba’a biday , dadka dilayey , dalkana aan waxba u reeban iyo kii isku dayayey dadlku in uu badbaado .
Taariikh ayaa qormeysa hana moodin in wax walba ay noqonayaan wax lagama soo qaadan,,, waxa jiri doonta maalin la iska wareysan doono wixii dhacay, colaad iyo nabadna la is weydiin doono qeybtii aad ku laheyd shaqsi ahaan.
Taariikhdu dadkey bartaa , dunida waayaheeda…ninna ma doonto , ninna ma diido…runtey dacalka ku heysaa…ayaa hore loo yiri ..waana been ma sheegto taariikhdu .
Wixiii aad ku qoroto diiwaanka taariikhda ayaa kuugu qorma mana aha wax bedelmaya oo la rogrogi..si kasta oo loo qariyana xaqiiqda ayaa soo qormeysa iyadoo aan daah ku rogneyn.
Soomaliyada cusub waa mid u banbaxeysa gaarista hadaf ah in la helo dal dhinacyo badan xor ka ah oo doonaya in uu gaaro yool iyo hadaf cad oo ku mideysan tuurista fikirka qaldan, manfaca iyo neecowda xorriyadda oo loo sinnaado iyo tuursta hannaanka ku dhisan caadooyinka taqliidiga ah ee ku saleysa afkaarta haraadiga ah ee ku dhisan faquuqa dadka lagu tilmaamo kuwa laga tirada badan yahay.
Ma aha taariikhda cusub ee qormeysa mid u hiillineysa waxyaabaha dunida horumartay ay ka tallaabsatay siiba nin jecleysiga iyo caadooyinka duqoobay ee qabyaaladda.
Waa in shaqsi ahaan aad la jaanqadaa Soomaalida cusub ee maankayaga ka guuxeysa ee ah Soomaaliyada cusub ee dhiirigalineysa afkaarta kala duwan , xorriyadda fikirka ee ku suntan mid la janqaadi karta diinta iyo dhaqanka isla markaana ka tarjumeysa sooyaalka taariikheed.
Waa mid fiican caqliga saliimka ahna hor kacayo in aadan ka harin safarka soomaalida cusub ee u saaxiibka ah wada noolaanshaha, fikir-wadagga iyo hannaanka xulashada talada la isku waafaqsan yahay ee looga gudbayo talada qabyaaladda salka ku haysa ee 4.5 ka hadda lagu dhaqmo.
Ha ka harin taariikhda cusub iskuna day in aad ka gasho baal wanaagsan oo muujinaya in aad wanaag u fashay dadka iyo dalka in kastoo tallaabooyinkiii ugu horreeyey ee qorista taariikhdaa ha ka daalin ilaa hadaf kaas aad wax ka bilowdo meeshii ay kula gaartaba.
WQ: Mohamed Shiil