Waxaa maanta tababar heerkiisu sarreeyo loogu soo xiray Guutada 22-aad ee Ciidanka Dhulka XDS, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, kuwaas oo muddo tababar ku qaadanayay dalka Turkiga.
Guutadan ayaa noqonaysa guutadii labaad ee Ciidanka Dhulka XDS oo tababar dhammaystiran hal mar loo soo xiro.
Dhanka kale, Ciidanka Dhulka XDS ayaa wada qorshayaal la xiriira sidii ay ula wareegi lahaayeen goobaha ay ka baxayaan ciidamada nabad ilaalinta ee Soomaaliya jooga, si mas’uuliyadda amniga dalka ay si buuxda ula wareegaan ciidamada Soomaaliyeed.




