Gulmudug oo laga dhagaxdhigay Sheybaarka Xoolaha iyo xafiisyo ay yeelan doonto Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta , horumarinta dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Galmudug, Cabdinaasir  Geelle Cilmi oo ay wehlinayaan Wasiirka Xanaanada Xoolaha Galmudug  Mudane Maxamed Cabdi Maxamed iyo madaxda mashruuca Biyoole ayaa maanta  dhagax dhigay sheybaarka Xoolaha iyo Xafiisyo ay yeelaneyso Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Galmudug.

Mashruucan oo uu maalgalinayo Banka adduunka, qeybna ka ah Barnaamijka hormarinta ee Biyoole ayaa waxaa qeybtiisa dhismaha Xafiisyada iyo Sheybaarka xoolaha ka waramey  Maxamed Xuseen Barnaamij oo ah madaxa iskuduwaha Mashruuca Biyoole.

Dhismaha Xafiisyada iyo Sheybaarka Xoolaha ee Wasaradda Xanaanada Xoolaha Galmudug ayaa qeyb ka qaadan doono daryeelka Xoolaha oo qeyb ka ah wax soo saarka ugu weyn ee Galmudug.