Gudoomiyaha Haya’adda SoDMA oo ku Baaqay in Tallaabo Deg Deg ah la Qaado, si loo Badbaadiyo Nolosha Dadka Abaaruhu Saameeyeen

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta  Magaalada Muqdisho ka Furay Shir u Dhexeeya Hay’adaha Dowladda iyo Hay’adda Caalamiga ah si looga wada hadlo Xaaladda Abaaraha iyo Amni-Darrada Cuntada Dalka.

Guddoomiyuhu wuxuu Carabka ku adkeeyay in la qaato Go’aanno DegDeg ah oo ku saleysan Xog, Halkii la diyaarin lahaa Qorshayaal Guud oo kale, si loo Badbaadiyo Nolosha Dadka Nugul loona Xoojiyo Isku-Duwidda Dowladda iyo la-Hawlgalayaasha.

Shirka waxaa Diiradda lagu saaray Meelaha Ugu Nugul (IPC Phase 4), iyo Diyaarinta Qorshe Jawaab DegDeg ah oo leh kharash iyo Masuuliyad Cad, iyo Kaabista Dadaallada jira iyadoo laga Fogaanayo in Dhibaatadu sii Kororto.

Ugu Danbeyn Guddoomiye Maxamuud Macalin wuxuu ku Booriyay Dhammaan Dhinacyada inay si Wadajir ah oo DegDeg ah u Dhaqaaqaan, Maadaama Go’aannada Shirka ay saameyn toos ah ku leeyihiin yareynta saameynta Abaaraha iyo Badbaadinta Nolosha Shacabka Soomaaliyeed.