Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa si habsami leh uga bilaabatay maanta diiwaangelinta codbixiyeyaasha, taas oo ay wadaan masuuliyiinta Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.
War saxaafadeed kooban oo guddigu soo saaray ayaa shacabka ku nool degmada ku booriyey inay isdiiwaangeliyaan si ay u helaan shahaadada diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo kaarka rasmiga ah ee codbixinta maalinta doorashada.
“Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada.Fadlan muwaadin, haddii aad ku nooshahay degmada Matabaan, isdiiwaangeli oo qaado shahaadada diiwaangelinta codbixiyeyaasha si aad u hesho kaarka rasmiga ah ee codbixinta maalinta doorashada” ayaa lagu yiri warka Guddiga Doorashooyinka Qaranka.
Diiwaangelintu waa tallaabo muhiim ah oo xaqiijinaysa in codbixiyeyaashu ay ka qayb qaataan doorashooyinka mustaqbalka, iyadoo la raacayo nidaamka sharciga doorashooyinka.
Muwaadiniinta waxaa lagu dhiirigelinayaa inay soo galaan xarumaha diiwaangelinta ee degmada oo ay hubiyaan in xogtooda ay sax tahay ka hor inta aan la xidhin diiwaangelinta.



