Gudiga garsoorka arimaha diinta iyo awqafta oo u yeeray wasiirka cadaalada iyo arimaha dastuurka XFS

Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta Aqalka Sare oo gudanaya waajibaadkiisa uu u xilsaaranyahay ayaa maanta Xafiiska Guddiga ugu yeeray Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macalin iyo xubno kale oo wehliyay.
Kulanka oo ahaa si xog-waraysi iyo kala war qaadasho ayaa si gaar ah loogu lafaguray hannaanka Garsoor ee Dalka, Xabsiyada, nolosha Maxaabiista, iyo halka ay marayaan dhismaha Golaha Adeega Garsoorka iyo Guddiga madaxa bannaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa.
Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, Xaquuqul Insaanka Aqalka Sare Senator Naciima Xasan Xaaji Maxamuud {Gadhwayne} oo kulanka shir guddoomisay ayaa wasiirka iyo xubnaha la socday uga mahad celisay sida togan oo ay uga warbixiyeen xogtii laga waydiiyay Wasaaradda iyo su’aalihii kalaba.