Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta si rasmi ah Degmada Afgooye ugu daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Xubnaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee ku sugan Afgooye ayaa si rasmi ah Degmada ugu daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha, sidoo kale daahfurka waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka socotay Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Xubnaha Guddiga iyo masu’uuliyiinta ayaa bulshada reer Afgooye ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan diiwaangelinta codbixiyeyaasha, si ay u dhiibtaan codkooda maalinta doorashada taas oo ah xuquuq dastuuri ah ee ay leeyihiin.