Guddoonka cusub ee guddiga dib-u-eegista dastuurka oo maanta shiray

Guddoomiyaha guddig dib-u-eegista iyo la socodka dastuurka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya xildhibaan Xuseen Iidow ayaa maanta shir guddoomiyay kulankii koowaad ee guddiga.

Guddiga Dastuurka Baarlamaanka labadiisa Aqal oo shalay doortay guddoonka guddigaas ayaa maanta iska xog-waraystay shaqada guddiga iyo howlaha hortebinta u leh.

Sidoo kale, xubnihii hore ee guddiga iyo howlwadeenada ayaa warbixin ka siiyay guddiga cusub shaqooyinkii laga soo qabtay dastuurka dalka iyo halka ay wax marayaan.