Guddoonka aqalka sare ee JFS ayaa Xarunta Aqalka Sare ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Baarlamaanka Caaliga ah eeis cafiska iyo nabada

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka labaad, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde, ayaa maanta xarunta Aqalka Sare ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Caalamiga ah ee Is-cafiska iyo Nabadda Mudane Axmed Maxamed Aljarwaan.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta kaalinta hay’adaha sharci-dejinta ee horumarinta nabadda, dulqaadka, wada-hadalka, is-cafinta, iyo muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya si buuxda uga mid noqoto Baarlamaanka Caalamiga ah ee Is-cafiska iyo Nabadda, si loo gaarsiiyo fagaarayaasha caalamka aragtida nabadeed iyo wada noolaansho ee bulshada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, labada Guddoomiye waxay kala saxiixdeen Heshiis Is-afgarad (MoU) oo Aqalka Sare u suurtagelinaya inuu xubin rasmi ah ka noqdo Baarlamaanka Caalamiga ah ee Is-cafiska iyo Nabadda, oo ay ku mideysan yihiin in ka badan 100 dowladood.