uddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, asxaabta iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Abukar Axmed Haashi oo ka tirsanaa Aqalka Sare ee Baarlamaankii 10-aad.
Guddoonka ayaa marxuumka Alle uga baryay inuu ka waraabiyo Janatul Fardowsa,isla markaana uu samir iyo iimaan ka siiyo ummadda Soomaaliyeed ,gaar ahaan qoyskii uu ka tagay.
Marxuumka ayaa ku geeriyooday dalka Jarmalka.
Innaa Lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun.

