Gudoomiye Ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee Gobolka Banaadir, Maxamed Cabdi Yabooh oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ay socdaan howlgallo nabad sugid ah oo la doonayo in lagu wiiqo dhaqdhaqaaqyada kooxaha nabad-didka ee caadeystay waxyeeleynta dadka shacabka ah.
“ciidanka gobolka waxa ay u diyaarsan yihiin inay ka hortagaan dhagarta khawaarijta iyo cid kasta oo falal amni darro ah ka wadda caasimadda iyo deegaanada kale”ayuu yiri Gudoomiye Yabooh.
Gudoomiye Ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee Gobolka Banaadir,waxa uu codsaday in shacabka ay garab istaagaan ciidanka dalka oo u xilsaaran xasillinta dalka iyo soo celinta amniga iyo kala dambeynta.