Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddoomiye ku xigeenka labaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa maanta xarunta Aqalka Sare ku qaabilay Xildhibaannada Soomaaliya ku matali doona Baarlamaanka Urur Goboleeedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EALA), kuwaas oo ay Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka 11-aad 15-kii bishaan doorteen.
Kulnka oo ku saabsanaa isbarasho, isxog-waraysi iyo dardaaran guud, ayaa, sidoo kale waxaa goobjoog ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS Sanatar Saalax Axmed Jaamac iyo xubno ka tirsan Sanatarrada Aqalka Sare ee baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiye Timacadde oo ugu horrayn u hambalyeeyay xubnaha cusub ee Baarlamaanka Somaaliya u doorteen in ay Soomaaliya ku metelaan Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, ayaa dhinaca kale kula dardaarmay in ay si muuqata uga soo dhallaalaan gudashada waajibaadka culus ee ay u qaadeen shacabka Soomaaliyeed, ilaaliyaanna sharafta iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed ee ay ku metelayaan Baarlamaanka.