Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo saxiixay Buugga Tacsida AUN Marxuum Sheekh Cismaan Xidig

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan habdhowraha golaha shacabka iyo Xildhibaanno ayaa tacsi ugu tagay ehelada iyo xerta Allaha u naxriistee marxuum Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cusmaan Xidig) oo dhowaan ku geeriyooday Magaaladda Muqdisho.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo ehelada, qoyska ,xerta Sheekha iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida marxuumka ayaa saxiixay buugga tacsida ee Allaha u naxriistee Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cusmaan Xidig