Guddoomiye Sacdiyo Yaasiin Samatar oo dalka oo dalka dib ugu soo laabatay ka dib safar shaqo ay ku tagtay Turkiga

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiyo Yaasiin  Samatar ayaa maanta dalka dib ugu soo laabatay ka dib safar shaqo oo maalmihii la soo dhaafay ugu maqneyd dalka Turkiga.

Guddoomiyaha iyo wafdigeeda waxaa goroonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan dowladda.

Marwo Sacdiyo Yaasiin Samatar oo hadal kooban jeedisay ayaa u mahadcelisay xildibaanada iyo xubnaha wasiirada ee soo dhoweeyay, waxayna sheegtay in natiijo wax ku ool ah kala soo laabatay safarkii shaqo ee ay ku tagtay dalka aan walaalaa nahay ee Turkiga.