Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Muungaab, ayaa ka hadlay bannaanbax ay saaka dhigeen wadayaasha gaadiidka dadweynaha ee BL-ka ah ee ka shaqeeya magaalada Muqdisho, isagoo soo saaray amarro la xiriira nidaaminta gaadiidkaas.
Guddoomiye Muungaab ayaa sheegay in la billaabay diiwaangelin rasmi ah oo lagu sameynayo gaadiidka dadweynaha ee BL-ka ah, si gaar ah diiwaangelinta milkiilaha gaariga, darawalka iyo kirish-boyga, si loo xoojiyo amniga caasimadda.
“Si loo adkeeyo amniga caasimadda, waxaan diiwaangelin ku billaabnay gaadiidka dadweynaha ee BL-ka ah,” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in wadayaasha gaadiidka laga doonayo inay u hoggaansamaan awaamiirta ciidamada amniga, isla markaana aysan jirin wax lacag ah oo laga qaadayo gaadiidka BL-ka ah marka laga reebo tan rasmiga ah ee ay qaaddo Dowladda Hoose.
Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in cid kasta oo diidda diiwaangelinta gaadiidka laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

