Guddoomiye Mursal “Madaxdii saxiixay heshiiska doorashada iyagaa looga fadhiyaa dalka inay doorasho ka qabtaan”

Muqdisho- Guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan oo ka hadlayey madasha aragti wadaagga ee Heritage oo maanta ka furmay magaaladda Garoowe ayaa ka hadlay marxaladda doorashada ee xilligaan, isagoo xusay in madaxda Qaranka iyo madaxda dawlad goboleedyada ay leeyihiin doorka ugu muhiimsan ee qabashada doorashada.

Waxa uu sheegay in 26-dii bishii September ee sanadkaan Baarlamaanka dalku ansixyey heshiiskii siyaasadeed ee doorashada ee ay Muqdisho ku gaareen madaxda dawladda iyo dawlad goboleedyada, kaas oo qeexaya habraaca iyo shuruucda loo marayo doorashada, maadaama la gaari waayey doorasho qof iyo cod ah.

“Madaxdii saxiixay heshiiska doorashada iyagaa looga fadhiyaa dalka inay doorasho ka qabtaan, iyagaa looga fadhiyaa inay la fariistaan oo qanciyaan ciddii tabasho qabta, heshiiska kuma qorna in cid cusub lagu soo daraa” ayuu yiri Guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Mursal.

Dhinaca kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in Baarlamaanka dalka mudda xileedkiisii 4-ta sano ahaa uu dhammaaday 27-dii bishan, balse uu jiro qodob Dastuuri ah oo qeexaya inaan la oggolaanin firaaq Baarlamaani ah, sidaa darteed wali uu Baarlamaanku sii shaqaynayo isagoo leh awoodihiisii in hay’adaha dawladda uu kula xisaabtamo fulinta sharciga.

Qodobkaas ayuu sheegay Guddoomiye Mursal inay ka dhalanayso inay madaxda dalka kula xisaabtamaan fulinta heshiiskii doorashada, waxaana uu ku booriyey in wixii caqabad ah laga wada hadlo, iyadoo laga maarmayo in dalka dibaddiisa khilaafyada lagu xaliyo, lagana fogaanayo dib u dhac iyo xasilooni darro siyaasadeed iyo mid amni.